Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay go'aankii Trump ee Qudus

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo Isiniin ah uga hadlay xaaladda magaalada Qudus oo Mareykanka u aqoonsaday caasimadda Israel.

Kulanka intii uu socday, Xildhibaanadii hadlay ayaa wax lagu xumaaday ku tilmaamay go'aankii Trump ee Qudus, taasi oo ay ku tilmaameen xad-gudub iyo wax laga xumaado.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Trump uu qaaday Tallaabo khaldan dhibka kasto oo ka dhashana ay qaadan doonto Mas’uuliyadeeda Dowladda Maraykanka.

Afhayeenka Gollaha Shacabka wuxuu xusay in Qudus ay tahay magaalo ku taalla dhulka Falastiin, islamarkaana aan Muslimiinta gorgortan ka geli karin, maadaama ay tahay goob barakaysan.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in go'aanka Trump uu hoos u dhigay sumcadii Maraykanka ee caalamka, sidoo kalena uu lumiyay kalsoonidii dunida Muslimka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Trump in uu go’aankaasi ka laabto.

Gudiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ayaa loo xilsaaray arinta Qudus, oo la filayo inay kasoo saaraan bayaan ka dhan ah Trump oo hadda kala kulmaya go'aankiisa cambaareyn caalami ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM