Baarlamaanka Soomaaliya oo la doodey xisaab xirka sanadka 2023

Image
Image
Image
Image
Image
Mudaneyaasha ayaa sidoo kale waxay akhrinta koowaad marsiiyeen xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka,waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u faahfaahiyay akhrinta koowaad ee xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiyada maaliyadda ee labada golle loo gudbinayo warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025,si ay waajibaadkooda uga soo gutaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM