Baarlamaanka Soomaaliya oo la doodey xisaab xirka sanadka 2023

Image
Mudaneyaasha ayaa sidoo kale waxay akhrinta koowaad marsiiyeen xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii labaad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka,waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Cabdullaahi Xirsi Tima Cadde.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u faahfaahiyay akhrinta koowaad ee xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025.

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in guddiyada maaliyadda ee labada golle loo gudbinayo warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2023 iyo xeerka qoondaha Miisaaniyadda Qaranka ee 2025,si ay waajibaadkooda uga soo gutaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM