Baarlamaanka Soomaaliya oo la horgeeyay heshiis si weyn looga doodey

Image
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay heshiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta  koowaad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ladagaalanka Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba Qaramada Midoobay iyo Baratakooladiisa, qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda iyo labo qeybin oo kala ahaa Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo sharciga wax ka bedelka Sharciga Ka-hortaga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo Baratakooladiisa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay heshiiskan, muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo saameynta uu yeelan karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in heshiiskan lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka si ay u marsiiyaan habraacyada u dhiman.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda, waxaana faahfaahinta qaraarkan golaha la wadaagay Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka oo cod u qaaday qaraarkan ayaa waxaa ogolaatay 149-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM