Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay natiijada baaris lagu sameeyay xabsiga Muqdisho

Image
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay warbixinta guddiga ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay ka warqabka xaalada maxaabiista.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 19-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa buuxinta xubin ka banaan Guddiga Dastuurka, soo jeedinta warbixinta guddiga loo xil saaray arrimaha xabsiyada iyo qeybinta warbixinta xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2023.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Xildhibaan Qaasim Cabdikariin Cilmi inuu ka mid noqdo Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal, waxaana ogolaaday 148-Xildhibaan halka 2-Xildhibaan ay ka aamuseen.

Intaasi ka dib Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrimaha xabsiyada ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka la wadaagay warbixin guddiga uu kasoo diyaariyay Xabsiga Dhexe iyo xaaladda ka jirta.

Warbixinta guddiga ayaa ku saabsaneyd xaalada maxaabiista, goobaha ay ku xiran yihiin, dhibaatooyinka heysta, waxyaabaha ay u baahan yihiin sida caafimaadka iyo waxbarashada iyo sidoo kale guud ahaan nolosha Xabsiga Dhexe.

Guddiga gaarka ah ee xabsiyada ayaa sidoo kale soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay kulamo ay la yeesheen taliyeyaasha Booliiska, Asluubta iyo masuuliyiinta wasaaradaha ay quseyso arrimaha xabsiyada iyo maxaabiista.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka hadlay warbixinta guddiga ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay ka warqabka xaalada maxaabiista sida caafimaadkooda, waxbarashadooda, goobaha ay seexdaan iyo ilaalinta xuquuqdooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyey guddiga gaarka ah ee warbixinta kasoo diyaariyay xabsiga dhexe isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay hay’adihii ka jawaabay qeybo ka mid ah baahiyaha ka jira Xabsiga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM