BF Soomaaliya oo soo afmeeray wadashaqeyn la'aan ka dhaxeysay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ka heshiiyeen arrimihii keenay wadashaqeyn la’aan ka dhex qarxaday labadda dhinac.

Afhayeenada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo Jimcadii kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen la hadlay war-fidiyeenka ayaa shaaciyey in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaneyso iskaashigooda.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku farax-sanaa xalinta khilaafkooda ayaa isu mahad-celiyay, inkasta oo aysan soo bandhigin qodobada ay isla meeldhigeen.

Sidda uu ka dhawaajiyey gudoomiye Mursal, arrimaha soo dadejiyay in la dhameeyo kala taagnaanshiyaha ayaa waxaa qayb ka ah sharciga doorashooyinka oo haatan horyaala Aqalka Hoose.

"Sharciga doorashooyinka iyo kuwa kale oo haatan horyaala Golaha Shacabka marnaba loogama maarmo Aqalka Sare," ayuu yiri Mursal, oo raaciyey "Labada aqal waxay isku yihiin baarlamaanka Soomaaliya".

Bishii Janaayo 2019 ayey ahayd markii uu Aqalka Sare xiriirka u gooyey Golaha Shacabka oo uu waqtigaasi ku eedeeyay isku koobida meel-marinta xeerarka, shirarka caalamka iyo farogelinta arrimaha maamuladda.

Sidda ku xusan dastuurka qabyadda ah, Aqalka Sare oo ka kooban 54 xubood ayaa wuxuu metalaa danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM