Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey ciidamo loosoo dirayo Soomaaliya
ISTANBUL, Qadar - Baarlamaanka Turkiga ayaa Sabtidii shalay waxa uu meelmariyay mooshin ku saabsan in ciidamo ka tirsan dowladda Turkiga loo soo diro Soomaaliya, oo ay ku jiraan xuduudaha badda ee dalka.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga ayaa la geyn doonaa Soomaaliya muddo labo sano ah, si ay u taageeraan howlaha amniga ee Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo khataraha kale, sida ku cad mooshinka.
Tallaabadan ayaa timid ka dib heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen bishii Febraayo, ujeeddaduna tahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya, ayaa lagu yiri mooshinka.
GAROWE ONLINE