Bahrain: Dowladda Soomaaliya way ka abaal dhacday Imaaraadka

Image

MANAMA - Dowladda Bahrain ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka sii xumaanaya ee Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka.

Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh,  balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday.

Khalid Bin Axmed ayaa xusay in Imaaraadka uu u qabtey Soomaaliya Shirar dhowr ah oo xal loogu hadlayey Burcad badeedka, kuwaasi oo Madaxweynayaashii dowladda Federaalka ay goobjoog ahaayeen.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini"aadanimo iyo Tabararka Ciidamada.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu abaal guday Imaaraadka dafiraad, aflagaado iyo inay garab siiso cadowgeeda.

 

“Soomaaliya waxay ku jawaabtey ixsaan loo sameeyey iney inkirto islamarkaana ku soo Daba gabato gacmaha cadowga wadamadeena, Alaa Weyn.”

Hadalka Khalid Bin Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa kasoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidoo kale maalintii Axada Garoonka Muqdisho lagu qabtey Diyaarad wadey lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya oo laga keenay Abu Dhabi.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaankau daruurtay eedeyn culus oo maanta usoo jeedisay dowladda Imaaraadka. Halkan ka akhri Warka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM