Bajaajleyda Gaalkacyo oo gadood ka sameeyay canshuur la dul-dhigay

Image
Wadayaasha Bajaajta ayaa sheegay inaysan awoodin bixinta lacagahaasi.

GAALKACYO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka magaalada Galkacyo ayaa kala cayriyey darawada gaadiidka Mooto Bajaajta oo isugu soo baxay dibad bax ay kaga soo horjeedaan go'aamo ka soo baxay maamulka degmadaasi ee Puntland.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Mooto Bajaajta ayaa GO u sheegay in ciidanku si khasab ah kula kala cayriyeen xilli ay doonayeen inay dibad bax ku cabbiraan cabashadooda ku aadan lacago cashuur ah oo ay ku soo rogtey dowladda hoose ee degmada Galkacyo.

Wadayaasha Bajaajta ayaa sheegay inaysan awoodin bixinta lacagahaasi oo lagu soo rogey kadib heshiis ay dowladda hoose ee degmada Galkacyo la gashay shirkad gaar loo lee yahay sida ay hadalka u dhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM