BALADWEYNE: Dad ku dhintay weerar lagu qaaday Masjid

Image

BALADWEYNE- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax xalay ka dhacay masjid ku yaalla nawaaxiga degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 12 kale, waxaana dhammaan dadka waxyeelloobay ku jireen gudaha masajidkaasi oo dadku ugu diyaar garoobayeen saaladda Cishaha. 

Xogta falkaasi laga helayo, ayaa tilmaamaysa in aaladaha qaraxu ka dhashay lagu sii diyaariyay gudaha baydka cibaadada, halka wararka kale oo aan awood badnayn tuhmayaan inuu ahaa Bamb gacanta laga tuuray. 

Lama garan karo sababta loo weeraray masjidkan oo ku yaalla xaafadda Siigaaloow iyo cidda ka dambaysay, waxaase goob joogayaal kusugan Baladweyne sheegayaan inuu ku salaysanyahay mabda'a, iyagoo xusay inay daganyihiin kooxaha loo yaqaano Takfiirka. 

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday cusbitalka guud ee degmadaas, waxaana la dhigay ku dhawaad toboneeye kamid ah dadkii dhibaatadu soo gaartay, waxaana maamulka cusbitalku sheegeen in dhaawacyadu diideen in lagu dabiibo xaruntaasi Caafimaad iyagoo gaalo ku tilmaamay kooxaha gargaarka. 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar "Daba-geed" oo la hadlay Idaacadda Afka dowladda Somalia ee Radio Muqdishu, ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay gudaha masjid ku yaalla deegaan dhawr KM u jira magaalada Baladweyne halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxo uu ku sheegay in ay ahaayeen Takfiir. 

“Qaraxa waxa uu ka dhacay masjid dhawr KM u jira Baladweyne, 12 qof oo dhaawac ah ayaa laga keenay, 2 qof way dhimatay, 3 saac caawa ayuu qaraxa ka dhacay masjidka oo daaqadaha u xeran yihiin,” Ayuu yiri Yuusuf Daba-geed.

Maaha markii ugu horaysay ee weerar caynkan ah lagu qaado goob cibaato oo ku taalla degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, laakiin waxay noqonayaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM