Deeq-bixiyeyaasha oo dib u bilaabaya taageerada Booliska Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Soomaaliya – Deeq bixiyaasha ayaa waxay xayiraada ka qaadeen Bileyska Koonfur Galbeed, sidda ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay safiirada Germany, Britain iyo wafuuda Midowga Yurub.

Xayiraada oo ah in dalalkaasi ay joojiyeen taageerada booliska maamulkaasi ayaa lagu soo rogay bishii December kadib rabshadihii hareeyay doorashada ee galaaftay nolosha 15 ruux uu Xildhibaan ku jiro.

Sidda ka muuqata warqadda oo ku taariikheysan 30-ka May, dowladda ah ayaa balanqaad ugu sameysay EU-da qoraal ay u soo dirtay 6-dii Febraayo 2019-kii kahor inta aysan go’aanka hakinta dib uga laaban.

Inkasta oo aanan lagu soo bandhigin bayaanka dalalka Midowga Yurub waxay yihiin, haddana warar ayaa sheegaya in yaboohaasi ay kamid tahay sharaxaad ay ka bixin doonto qulqulatooyinkii dhacay.

Illo xog ogaal ah ayaa intaasi raacinaya in wacadka ay qaadey xukuumadda federaalka ay kamid yihiin "garowshiyo" ay ka bixineyso qalalaasihii dhacay, doorka ciidamada booliska iyo in askar loo maxkamadeynayo.

Madaxtooyadda ayaa ku eedeysan in doorashadii Koonfur Galbeed ay ku sameysay farogelin iyadda oo tartanka ka reebtay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur kaasoo hadda xabsi guri ku jira.

Ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa ku jiray murashaxiinta ugu cad-cad, isaga oo ganafka u daruuray dalab uga yimid dowlada oo ahaa in uu tartanka ka haro kahor inta ciidamo Itoobiyaan aysan soo xirin.

Talaabooyinkaasi oo idil waxay u sameysay dowladda si uu ugu soo baxo murashax daacad u ah kaasoo ah Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen oo Wasiirka Tamarta ka ahaa xukuumada Khayre.

Rabshadihii doorashada Koonfur Galbeed waxay sidoo kale saaxada siyaasada Soomaaliya ay ka saareen Wakiilkii Qaramada Midoobay Haysom, kaasoo dhowaan lagu soo bedelay diblumaasi Ameerikaan ah.

Gacma-gacmeyntii dowlada kula kacday doorashadii Koonfur Galbeed ayaa waxay daruus u noqotay Jubbaland iyo Galmudug oo ay doorasho kusoo fool leedahay kuwaasi oo haatan heegan sare ku jira.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM