​Bannaanbax ka dhan ah Kenya oo Muqdishu ka dhacay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magalada Muqdishu caasumadda Somalia, lagu qabtay bannaanbax looga soo horjeedo damaca dowladda Kenya ku doonayso inay ku qaadato qayb ka mid ah biyaha badda Somalia, kaasoo dacwadeedu kasocoto magaalada Hague ee dalka Holland.

Boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdishu, ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasumadda Somalia, iyagoo wata boorar lagu xardhay erayo ka dhan ah dalabka Kenya ku raadinayso inay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Somalia.

Bannaanbaxayaasha ayaa socod kadib isugu soo aruuray fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay kula hadleen maamulka gobolka Banaadir iyo mas'uuliyiin katirsan maamulka degmooyinka Muqdishu.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay dibad baxayaasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Somalia islamarkaana aysan Shacabka dalku marna aqbali doonin damaca guran ee Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda Somalia.

Madaale, ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo dhaxal gal ah ka soo baxdo dacwada la xiriirta badda ee haatan ka socota maxkamadda caddaalada adduunka ee Holand.

Isu-soo baxan, ayaa yimid xilli maalintii saddexaad gashay dacwadda la xiriirta muranka biyaha Somalia oo haatan kasocota dalka Holland.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM