Barakac iyo duqeymo ka socda Ceel-Cadde

Image

Wararka ka imanay deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xooggan isla markaana ay ciidamada dalka Kenya wadaan Duqaymo xagga cirka ah.

Deegaanka Ceel-Cadde ayaa Jimcihii hore kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada Dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen askar u dhalatay dalka Kenya.

Ciidamada Kenya, ayaa talaadadii dib ugu laabtay Ceel-Cadde, ayaga oo sheegay inay ugaarsanayaan kuwii ka dambeeyey weerarkii askarta badan looga dilay.

Haddaba dadka Deegaanka ayaa VOA uga waramay sida xaalku haatan yahay. 

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Axmed Cali Gamadiid oo ka mida odayaasha deegaanka isla markaana dhawaan ka soo laabtay deegaanka Ceelcadde.

VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM