Barawe: Al-shabab oo toogtay afar nin

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Baraawe ku diley afar nin oo dhalinyaro ah.

Nimanka oo goob fagaare ah lagu toogtey waxaa lagu soo eedeeyey inay basaas u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Da'doodu waxay ahayd inta u dhexeysa18 ilaa 27 sano, waxaana lagu kala magacaabi jirey Iidle Maxamed Xasan, Axmed Maxamed Aadan, Mahdi Xasan Ciise iyo Xasan Xaaji Awoowe.

Horaantii todobaadkan, waxaa isla degmada Baraawe lagu diley haweenay la sheegay inay gogol dhaaf samaysay. Gabadhaas waxaa lagu diley dhagax iyadoo ay boqollaal qof daawanayaan.

Baraawe oo xilligan ah xarunta ugu weyn Al-shabaab, waxaa shantii bilood ee ugu dambeeyey lagu toogtey in ka badan toban qof oo maxkamada Al-shabaab dil ku xukuntay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Ciidanka difaaca Puntland way burburiyeen awoodda Daacish

Madaxweynaha ayaa xusay in dagaalkaasi uu keenay khasaare xooggan, isagoo sheegay in boqolaal askari oo Puntland ah.

  • Soomaliya

    28-09-2025

  • 07:59AM

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu “ka takhaluso”

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu si sharci darro ah u bartilmaameedsanayo odayaasha dhaqanka.

  • Soomaliya

    27-09-2025

  • 12:49PM