Barawe: Al-shabab oo toogtay afar nin

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay degmada Baraawe ku diley afar nin oo dhalinyaro ah.

Nimanka oo goob fagaare ah lagu toogtey waxaa lagu soo eedeeyey inay basaas u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Da'doodu waxay ahayd inta u dhexeysa18 ilaa 27 sano, waxaana lagu kala magacaabi jirey Iidle Maxamed Xasan, Axmed Maxamed Aadan, Mahdi Xasan Ciise iyo Xasan Xaaji Awoowe.

Horaantii todobaadkan, waxaa isla degmada Baraawe lagu diley haweenay la sheegay inay gogol dhaaf samaysay. Gabadhaas waxaa lagu diley dhagax iyadoo ay boqollaal qof daawanayaan.

Baraawe oo xilligan ah xarunta ugu weyn Al-shabaab, waxaa shantii bilood ee ugu dambeeyey lagu toogtey in ka badan toban qof oo maxkamada Al-shabaab dil ku xukuntay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM