​Barlamanka Somalia oo ka doodaya hannaanka doorashada

Image

MUQDISHU- Kulan maanta ka bilowday xarunta Barlamanka Somalia ee magalada Muqdishu ayay uga doodayaan hannaanka loo marayo doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016.

Qorshaha Xildhibaanada Somalia ka doodayaan, waxaa dhawaan u gudbiyay Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo ka codsaday inay si dhaqso ah u meel mariyaan.

Howshan Barlamanku wadaan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mudane golaha shacabka Somaliyeed oo lagu magacaabo axamed Cumar Maxamuud.

Xildhibaannada ayaa ansixin doona qorshaha, haddii ay u arkaan in uu ku habboon yahay in loo maro doorashooyinka dalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ayaa dhawaan isla ghaaray heshiis dhihgaya hannaanka doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2016-ka.

Balse, waxaa jira dadaalo kale oo hogaanka Barlamanka iyo xukuumaddu ku doonayaan in muddo labo bilood ah loogu daro, taasoo kasoo horjeesteen Xildhibaanada Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM