Bartilmaaamyadda qaraxyo gaari oo ku jira Muqdisho oo la ogaaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laamaha ammaanka ayaa soo saarey digniin dhanka amniga oo ku saabsan saddex qarax gaari oo ku jira Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Baabuurta lasoo miidaamiyey oo mid kamid ah noociisa lagu sheegay Toyota Noah ayaa la tilmaamay in midabkiisu yahay Giriije. Labada kale waxaa lagu qeexay nooca raaxada ah.

Digniinta dhanka nabad-gelyadda ayaa waxay intaasi raacineysa in qaraxyada "lagu beegsan doonto kontaroolada xogaga dowladda ee caasimadda".

Saraakiil ka gaabsaday in magacyadooda loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in weerarada qaarkood "ay noqon karan" is-miidaamin.

"Dadweynaha waa in ay feejignaan dheeraad ah ay galaan. Waxaana waydiisaneynaa in ay nagu soo wargeliyaan waxay tuhman," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Wasaaradda Amniga.

Warbixinta ayaa waxay soo jeedineysaa in ay suurtogal tahay in qaraxyadda ay la socon karaan weerar toos ah oo baraha ay ciidanka joogan lagu qaado.

Ciidamadda ku sugan kontaroolada muhiimka ah ee magaaladda caasimadda ah oo lala socod-siiyay digniintan ayaa waxaa la faray in ay heegan galaan.

Arbacadii, qarax is-miidaamin oo ka dhex-dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho waxaa ku naf-waayey tobban ay ku jiraan gudoomiyeyaal xili lagu dhaawacay duqa caasimadda.

21-kii bishan July, qarax gaari oo lagu weeraray kontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde ee ku yaala isgoyska KM4 ee Muqdisho ayaa lagu dilay 20 qof oo u badan shacab.

Qaraxyadda oo waxyeelo badan sababa ayaa kamid ah xeeladaha ay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida adeegsaneyso tan iyo markii magaala madaxda laga xoreeyay sanadkii 2011-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM