Bayle oo hortegay Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga shirkadaha

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudenayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay fadhi ku yeeshay xaruntooda magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka 13-aad oo ka tirsanaa Kal-fadhiga 5aad kaasoo ay soo xaadirtay 142 Xildhibaan ayaa waxaa gudoomiyey Cabdiwali Ibraahim Muude, gudoomiye ku xigeenka 2aad.

Ajendeyaasha kulanka ayaa waxay kala ahaayeen; akhrinta saddexaad ee sharciga shirkadaha iyo akhrinta koowaad ee hindisa sharciyeedka dakhliga.

Ugu horeyn, gudoomiye Muudey ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xaaji Cabdi Waraabe, xubintii ugu da'da wayneed baarlamaanka Somaliland. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka ah oo hortegaya Aqalka Hoose, ayaa fahfaahiyey sharciga dakhliga oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Sidda laga soo xigtay Bayle, hindisa sharciyeedkaan ayaa waxa uu xeerinayaa maamulka dakhliga iyo waliba qaabka loo qoondeynayo.

"Sharciga wuxuu kor u qaadi doonaa abaabulidda dakhliga gudaha taas oo kor u qaadeysa saamiga muhiimka ah ee canshuur celin ah. Kordhinta dakhliga gudaha waa mudnaanta qaranka," ayuu raaciyey Bayle.

Dhinaca kale, sharcidejiyeyaasha ayaa akhrin kadib cod waxay geliyeen sharciga shirkadaha, kaasi oo ay isku soo dabariday wasaarada ganacsiga iyo shirkadaha.

Dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray ee 142 mudane ahaa ayaa u codeysay sharciga, sidda uu ku dhawaaqay gudoomiye Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Sikastaba, sharcigaan ay meel-mariyeen Golaha Shacabka ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare si waajibaadkiisa dastuuriga uu dhankiisa uga guto, oo ah in uu ansixiyo ama uu dib ugu soo celiyo Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM