Bayle oo hortegay Golaha Shacabka oo ansixiyey sharciga shirkadaha

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudenayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay fadhi ku yeeshay xaruntooda magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka 13-aad oo ka tirsanaa Kal-fadhiga 5aad kaasoo ay soo xaadirtay 142 Xildhibaan ayaa waxaa gudoomiyey Cabdiwali Ibraahim Muude, gudoomiye ku xigeenka 2aad.

Ajendeyaasha kulanka ayaa waxay kala ahaayeen; akhrinta saddexaad ee sharciga shirkadaha iyo akhrinta koowaad ee hindisa sharciyeedka dakhliga.

Ugu horeyn, gudoomiye Muudey ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xaaji Cabdi Waraabe, xubintii ugu da'da wayneed baarlamaanka Somaliland. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka ah oo hortegaya Aqalka Hoose, ayaa fahfaahiyey sharciga dakhliga oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Sidda laga soo xigtay Bayle, hindisa sharciyeedkaan ayaa waxa uu xeerinayaa maamulka dakhliga iyo waliba qaabka loo qoondeynayo.

"Sharciga wuxuu kor u qaadi doonaa abaabulidda dakhliga gudaha taas oo kor u qaadeysa saamiga muhiimka ah ee canshuur celin ah. Kordhinta dakhliga gudaha waa mudnaanta qaranka," ayuu raaciyey Bayle.

Dhinaca kale, sharcidejiyeyaasha ayaa akhrin kadib cod waxay geliyeen sharciga shirkadaha, kaasi oo ay isku soo dabariday wasaarada ganacsiga iyo shirkadaha.

Dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray ee 142 mudane ahaa ayaa u codeysay sharciga, sidda uu ku dhawaaqay gudoomiye Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Sikastaba, sharcigaan ay meel-mariyeen Golaha Shacabka ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare si waajibaadkiisa dastuuriga uu dhankiisa uga guto, oo ah in uu ansixiyo ama uu dib ugu soo celiyo Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM