Beesha Caalamka maxay ka dalbatey madaxweyne Axmad Madoobe?

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Wafuud ka socota beesha caalamka gaar ahaan ergeyga Qaramada Midoobey iyo saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ayaa kulamo ay la qaateen Axmad Madoobe ugu gudbiyey dalabyo isku mid ah.

Sida warsidaha Garowe Online ku heley warar lagu kalsoon yahay dalab-yadaaan loo gudbiyey Madaxweynaha Jubaland ayaa salka ku haya in musharaxiinta kale dib loogu furo is-diiwaan galinta iyo in mudada Doorashada la qabanayo dib loo dhigo si furasad ay ku ololeeyaan loo siiyo xubanaha cusub ee u tartamaya xilka Madaxwehnaha. 

Ergeyga qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo la kulmey maanta xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya kuwaas oo ku sugan magaalada Kismayo ayaa sheegey in Madaxweyne Madoobe ka dalbadeen in dib loo furo is diwaan galinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubaland islamrkaana fursad la siiyo in tartan furan loo mariyo nidaamka doorasho.

Dhinaca kale, ergeyga gaarka ayaa sheegey in guddiga doorasho ee hadda jira uu dhamaadey waqtigiisu lagana sugayo Barlamanka cusub iska soo xulaan guddi cusub oo nidaamiya islamarkaana ilaaliya shuruucda doorasho ee jirta.

James Swan ayaa Xildhibaanadaan u sheegey in ay saluugsan yihiin qaabka loo soo xuley xildhibaanada balse aan la aqbali karin in tartanka loogu jiro xilka Madaxweynaha noqdo mid xiran oo aan loo wada tartami karin xilka Madaxweynaha.

Maamulka Jubaland oo war ka soo saarey kulamada Axmad Madoobe la qaatey wafuudan kala duwan ayaa hoos u dhigey dalabyada uga yimid beesha caalamka iyagoo hoosta ka xariiqey in doorashadu u dhaceyso sidii loogu talagalay.

Axamad Madoobe oo raadinaya in dib ugu guuleysto xilka Madaxweyne ee Jubaland ayaa waxaa khilaaf xoogan kala dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, maamulka Jubaland ayaa waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo kale duwan kuwaas oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al shabaab.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM