​Beesha Caalamka oo go'aan madaxweynaha Somalia soo dhaweysay

Image

MUQDISHU- Beesha caalamka ayaa ka hadashay ansixinta hannaanka doorashada Somalia ee lagu hishiiyay bishii April ee sannadkan, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku diirsadeen go'aanka qeexaya in doorashadu dhacdo sannadkan 2016.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada lagu ansixiyay qorshaha qeexaya habraaca doorashada, wuxuuna tilmaamay in caqabadaasi laga gudbay, balse wali jiraan arrimo taagan oo u baahan in qaabkii looga tallaabsan diiradda la saaro.

Diidmada Xildhibaanada ee qorshahan, ayaa wax laga weydiiyay Keating isagoo u waramayay VOA, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin afkaartooda, balse aysan meesha oollin in la carqaladeeyo hannaanka, isagoo xusay inaysan marnaba u dulqaadan doonin wixii ka hor imaanaya doorashada ee ay qaadi doonaan tallaabada ku haboon.

Keating, wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin sidii loo taageeri lahaa doorashada Somalia ee 2016, wuxuuna meesha ka saaray inay faro galin ku lahaayeen hannaankan, isagoo iska fogeeyay inay farmuuqeen labada aqal tirada laga dhigi doono, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ahayd qorshe Somalida u taallay.

Halista Al Shabaab, ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inay garwaaqsanyihiin oo ay ogyihiin inay wali dhibaato ku yihiin hannaanka xasilinta Somalia, balse wuxuu usoo jeediyay inay taasi looga gudbi karo in la iska kaashato nabad galyada waddanka iyo wadashaqayn dhexmarta waxgaradka iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia ee qaybta ka yihiin kuwa xoogga dalka Somalia.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli shalay 22 May, madaxweynaha Somalia xeer ku ansixiyay hannaanka doorashada oo muddo lagu murasanaa kadib markii la horgeeyay Barlamanka oo sheegay inay wax kabadal ku samayn doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM