Beesha caalamka oo madaxda Somalida wakhti u qabatey

Image

MUQDISHU- Kulan beesha caalamka ( Qaramada midoobey, Mareykanka, IGAD, Italy, Ingriiska iyo Sweden) la qaadateen madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'ilsa wasaare Cumar Cabdirashid, Jawaari ayey kaga dalbadeen in maalmaha soo socda u soo gudbiyaan qaabkii lagu heshiisyey in loo qabto doorashooyinka Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

Madaxda Somalida ayaa sidoo kale laga dalbadey iney soo gudbiyaan sida loo fulin lahaa heshiiskaan, wadadii loo mari lahaa (Political road Map) inta u dhexeysa sanadka 2016-2020 kasoo lagu saxiixey kulankii ugu dambeeyey ee lagu qabtey magaalada Muqdishu 16 December,2015.

Beesha caalamka oo ay weheliyaan ururka midowga Africa ayaa soo dhoweeyey kulankii Kismayo in farqiga soo koobay basle tilmaamey iney aad uga xun yihiin in heshiis rasmiya uusan kasoo baxin.

Dhinaca kale wakiilada beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in aan dib looga dhici karin bisha August. Madaxda Somalida ayaa laga filayaa in maalmaha soo socda kulamaan go'aana ka soo saaran qaabka doorashada Somalia noqoneyso sanadka 2016.

Xubnaha beesha caalamka ayaa sheegey in dowlada Federaalka ka tageerayaan sidii ay uga gudbi laheyd caqabaaha hortaagan in heshiis laga gaaro qaabka doorasho ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM