Beesha caalamka oo madaxda Somalida wakhti u qabatey

Image

MUQDISHU- Kulan beesha caalamka ( Qaramada midoobey, Mareykanka, IGAD, Italy, Ingriiska iyo Sweden) la qaadateen madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'ilsa wasaare Cumar Cabdirashid, Jawaari ayey kaga dalbadeen in maalmaha soo socda u soo gudbiyaan qaabkii lagu heshiisyey in loo qabto doorashooyinka Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

Madaxda Somalida ayaa sidoo kale laga dalbadey iney soo gudbiyaan sida loo fulin lahaa heshiiskaan, wadadii loo mari lahaa (Political road Map) inta u dhexeysa sanadka 2016-2020 kasoo lagu saxiixey kulankii ugu dambeeyey ee lagu qabtey magaalada Muqdishu 16 December,2015.

Beesha caalamka oo ay weheliyaan ururka midowga Africa ayaa soo dhoweeyey kulankii Kismayo in farqiga soo koobay basle tilmaamey iney aad uga xun yihiin in heshiis rasmiya uusan kasoo baxin.

Dhinaca kale wakiilada beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in aan dib looga dhici karin bisha August. Madaxda Somalida ayaa laga filayaa in maalmaha soo socda kulamaan go'aana ka soo saaran qaabka doorashada Somalia noqoneyso sanadka 2016.

Xubnaha beesha caalamka ayaa sheegey in dowlada Federaalka ka tageerayaan sidii ay uga gudbi laheyd caqabaaha hortaagan in heshiis laga gaaro qaabka doorasho ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM