Beesha caalamka oo u kala dabqaadeysa madaxda Somalia

Image

MUQDISHU: Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo magaalada Muqdishu ayaa sheegaya ineysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid mowqifka madaxda Somalida kuwasoo shirar gooni ah la yeelaney maanta xubnaha beesha caalamka.

Xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdishu ayaa kulamada ay la qaadanayeen madaxada Somalida diirada ku saarayey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa fikirada ay kala qabaan dhinacayada siyaasada Somalia.

Sida aan ka helnay xogogaal ku dhow kulamadaas ayaa sheegaya in beesha caalamka ku guuldareystey maanta iney xal ka gaaraan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa fikirkada kala ah in wax lagu qaybsado 4.5 iyo nidaamka degmooyinka.

Caawa wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo kulan sadex geesood ah ee u dhexeeya madaxweynaha Puntland, Jubaland iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid.

Lama oga waxyaalaha looga hadlayo kulankaan balse waxaa jira warar sheegaya in maalinta berri ah suurtagal tahay in madaxweynaha Jubaland u ambabaxo magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira kulanka magaalada Muqdishu uga socda madaxda Somalida

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM