Beyle oo Gollaha Shacabka horgeeyay Dakhli loo kordhiyey Ciidamada [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Isniinta maanta ah wuxuu hortegay xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Bayle ayaa mudanayaasha wuxuu fahfaahin uu ka siiyay Miinsaaniyadda dowladda ee sanadka 2018, taasi oo ay dood adag ka yeesheen Sharci-dejiyaasha xili ay kol hore sidaan oo kale uga munaaqishoodeen Xilldhibaanada.

Miinsaaniyadda dowladda 2018 ayaa ah 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, xili sanadkii hore ay aheyd 274, balse Wasiir Bayle oo Aqalka Hoose hortegay maanta wuxuu sheegay inay kusoo dareen 22 kale oo dheeri ah.

Isaga oo ku guda jira bidhaaminta Miinsaaniyadda ayuu Wasiir Bayle carabka ku dhuftay in 17 milyan oo Dollar oo kamid ah ay mushaar ahaan u qaadan doonan ciidamadda xooga dalka qaybihiisa kala duwan.

“Dalalkii mushaaraadka ciidamada naga bixin jiray way naga joojiyeen, markaa waxay noqotay inaan suuf iyo xanjo isku gubno, waxaan sameyn karno aan sameyno, oo aan wax uraadino, lacag dheeri ayaana kusoo korodhay, miisaaniayda” ayuu ku dooday.

Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaaday in 500 kamid ah oo kamid ah Miinsaaniyadda ay ka tahay deeq ka timid Bankiga Aduunka, isaga oo xusay inay inahaani ay yihiin meelaha isbedalka lagu soo sameeyay.

Gabagabadii, Wasiir Bayle ayaa ka dalbaday Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay meel-mariyaan Miisaaniyada dowlada gaar ahaan labadda arrimood ee aan soo xusnay, halkaasi oo dib uceliyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM