Bixinta noocyadda baasaboorada Soomaaliya oo shir laga yeeshay

Image
Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Saciid Maxamed, oo uu kala hadlay istiraatiijiyado sare u qaadaya isku-xirnaanta, wadashaqaynta iyo dardargelinta dadaalka wadajirka ah ee lagu fududeynayo bixinta adeegyo u qalma muwaadiniinta.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida maamulka baasaboorrada dowladda si gaar ah baasaboorrada shaqaalaha (service) iyo diblomaasiga (diplomatic), iyo suuragelnimada in hab dijitaal oo casri ah si wadajir ah labada dhinac ugala socon karaan shixnadaha baasaboor kahor daabacaaddooda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ka howlgalidda iyo la falgalka dalabaadka baasaboorrada ee ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo buuxinaya dhammaan shuruudaha , lana dedejiyo daabicidda baasaboorrada si looga fogaado dib u dhac iyo habac ku yimaada shaqada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM