​Bomb lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Soomaliya

Image

MUQDISHU, Somalia- Weerar loo adeegsaday bomb gacmeed ayaa maanta lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha, waxaana soo gaaray dhawacyo kala duwan sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa halka weerarku ka dhacay.

Ilaa saddex askari ayaa dhaawacmay iyo ruux shacab ah oo watay Mooto kaasi oo ka agdhawaa halka ciidamadu joogeen.

Bamb-kan, waxaa tuuray  dhalinyaro la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab, kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada la weeraray ayaa qaraxa kadib furay rasaas inkastoo aysan jirin cid ku waxyeelloowday.

Dhinaca kale wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar la la doonayay in loo adeegsado Mooto.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha, Cabdimaalik Macallin oo warbaahinta kula hadalayay magaalada Muqdishu, ayaa sheegay in Mootadaan ku qaraxday Meel ku dhow Xero Jarmal, uuna ku dhintay Ruuxii waday oo uu sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo  dagaal kula jira Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM.

“Ciidamada Amnigu waxay goobtii uu qaraxu ka dhacay ka billaabeen Baaritaanno ay ku ogaanayaan halka lagu soo diyaariyay,” Ayuu yiri Cabdimalik Macallin.

Weerarada Al Shabaab ee magaalada Muqdishu ayaa xoogaystay intii lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM