Booliska Ireland oo baadi-goobaya Wiil Soomaali ah [Akhri Sababta]

Image

Ireland - War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska waqooyiga Ireland, gaara ahaan caasimadda ayaa lagu sheegay in la la'yahay Wiil Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabo Xamsa Shariif Daahir, oo ah Arday 16-sano jir ah.

Xamsa waxaa lagu waayey Jidka Glen ee Galbeedka magaaladda Belfast, ee caasimadda wadanka Northern Ireland, 2-dii bishaan June 2018, lamana ogga halka uu Jaan iyo Cirib dhigay.

Bayaanka uu soo saarey Boolisku waxay ku sheegeen inay umalaynayaa in Xamsa la dilay, ama afduubatay iyo inuu isaga si ola kac ah ugu talagay in maqnaado tan iyo xiligaas.

"Boolisku waxay ka codsanayaa Rayidka inay lasoo wadaagaan xogta hadii ay arkaan Wiil Soomaaliya oo lagu magacaabo Xamsa Shariif Daahir oo 16-sano jir ah, midabkiisuna yahay Maariin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoyskiisa oo wareysiyo kala duwan siiyay warbaahinta Maxaliga ah ee Ireland, waxay sheegeen in markii ugu war dambeysay Xamsa uu usheegay inuu soo laabano, laakiin aysan ogayn haatan halka uu qabtay.

Waxay muujiyeen walaac ku saaban ka maqan yahay wiilkooda, waxayna si gaar ah ay uga codsadeen Bulshadda Magaaladda Belfast, ee caasimadda wadanka Northern Ireland, inay kala shaqeeyaan halista cunugooda.

Soomaalida ayaa kamid ah Jaaliyadaha ugu badan ee ku nool Ireland, wallow ay jiraan caqabado lasoo darsa, hadana waxay xusul duub ugaleen sidii ay uga bixi lahaayeen, ayna nolashooda u maareyn laahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM