Booliska Ireland oo baadi-goobaya Wiil Soomaali ah [Akhri Sababta]

Image

Ireland - War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska waqooyiga Ireland, gaara ahaan caasimadda ayaa lagu sheegay in la la'yahay Wiil Soomaaliyeed, kaasoo lagu magacaabo Xamsa Shariif Daahir, oo ah Arday 16-sano jir ah.

Xamsa waxaa lagu waayey Jidka Glen ee Galbeedka magaaladda Belfast, ee caasimadda wadanka Northern Ireland, 2-dii bishaan June 2018, lamana ogga halka uu Jaan iyo Cirib dhigay.

Bayaanka uu soo saarey Boolisku waxay ku sheegeen inay umalaynayaa in Xamsa la dilay, ama afduubatay iyo inuu isaga si ola kac ah ugu talagay in maqnaado tan iyo xiligaas.

"Boolisku waxay ka codsanayaa Rayidka inay lasoo wadaagaan xogta hadii ay arkaan Wiil Soomaaliya oo lagu magacaabo Xamsa Shariif Daahir oo 16-sano jir ah, midabkiisuna yahay Maariin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoyskiisa oo wareysiyo kala duwan siiyay warbaahinta Maxaliga ah ee Ireland, waxay sheegeen in markii ugu war dambeysay Xamsa uu usheegay inuu soo laabano, laakiin aysan ogayn haatan halka uu qabtay.

Waxay muujiyeen walaac ku saaban ka maqan yahay wiilkooda, waxayna si gaar ah ay uga codsadeen Bulshadda Magaaladda Belfast, ee caasimadda wadanka Northern Ireland, inay kala shaqeeyaan halista cunugooda.

Soomaalida ayaa kamid ah Jaaliyadaha ugu badan ee ku nool Ireland, wallow ay jiraan caqabado lasoo darsa, hadana waxay xusul duub ugaleen sidii ay uga bixi lahaayeen, ayna nolashooda u maareyn laahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM