Booliska oo fashiliyey qarax gaari oo kusoo food lahaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu fashiliyey weerar argagixiso oo kusoo foodlahaa magaalada Muqdisho fiidnimadii Axada, habeenka koowaad ee bisha Ramaadan.

Sarkaal boolis ah ayaa dhintay markii gaariga isaga oo isku deyaya in uu ka furo walxo qarxa oo lagu soo rakibay, sidda ay sheegtay Sakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka bileyska.

Qaraxa oo ka dhacay degaanka Xaawa Cabdi oo 15 KM dhanka Koonfur uga beegan magaalada caasimada ah, ayaa laga maqlay qaybo kamida Muqdisho, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

"Argagixisada waxa ay qorsheyneysay in qarax gaari ay soo geliso Muqdisho si ay ugu dhibaateyso shacabka inta lagu guda jiro Soonka," ayay Sakiya tiri iyada oo war-fidiyeenka kula hadlaysa caasimada.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo dhanka amaanka ah, darawalkii waday gaariga ayaa baxsaday markii la qabtay baabuurka uu waday oo la sheegay in ay lahayd Al-Shabaab.

Dhanka kale, booliska ayaa shaaciyey in magaalada Marka xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ay kasoo qabteen qaraxyo ay lahayd kooxda xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacida.

Amaanka magaala madaxda dalka ku yaala Geeska Afrika ayaa sare loo qaaday inta lagu guda bisha barakeysan ee Ramadaan maadaama laga cabsi qabo weerar ka yimaada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM