Booliska oo rasaas u adeegsaday kala eryida dibad-baxayaal

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaaharaad dhimasho dhaliyay ayaa ruxay Muqdisho, caasimada Soomaaliya xili boqolaal banaanbaxayaal careysan ay ka dibad-baxeen dilka darawalo Bajaaj, maanta oo Sabti ah.

Toogashada oo ka dhacday isgoyska Howlwadaag xili hore oo maanta ah taasi timid markii ay mur-meen askari Boolis ah iyo darawalka ayaa noqonaya falalka noocaan ee u dambeeyay ee ka dhaca caasimada.

Isu soo bax balaaran oo sameeyay xarumaha ganacsiga ee ku yaalla wadada Maka Al Mukarama illaa iyo suuqa Bakaaraha ayaa gil-gilay magaalada, iyada oo banaan-baxayaasha ay dalbanayeen cadaalad.

Goobjooge ayaa sheegay in afar kamid ah dibad-baxayaasha oo uu ku jiro arday Jaamacadeed ay toogteen Booliska oo adeegsaday rasaas nool-nool intii ay socdeen dibad-baxayada oo ay xakameyn waayeen.

Booliska oo xaqiijiyay in askariga dilka geystay uu baxsaday ayaa shaaciyey in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo qaban-lahaayeen.

Tobanaan kale ayaa lagu waramayaa in ay dhaawacmeen. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya taayaro wadooyinka lagu gubayo iyo erayo ka dhan ah dowlada oo ay ku dhawaaqayaan dadka careysan.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay ka doodeen maanta amniga Muqdisho, kaasi oo mudooyinkii u dambeeyay muuqday in uusan ku jirin gacanta dowladda.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii Bajaajle kale lagu khaarijiyay Muqdisho kaasi oo illaa iyo haatan aanan cadaalada la marsiinin askarigii falka sameeyay.

Dhacdooyinka noocaan ah oo kusoo kordhaya Muqdisho ayaa bar-madow ku noqday ciidamada Booliska gobolka Banaadir, oo hogaankiisa loogu baaqay in uu wax ka qabto ama uu is-casilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM