Booliska oo u gaarsanaya nin wiil 5-sano jir ah ku gowracay Beledwayne

Image

BELED-WAYNE, HirShabelle – Booliska magaalada Beledwayne ayaa raadinaya gacan ku dhiigle wiil 5-sano jir ahaa shalay ku gowracay xaafaada Howlwadaag.

Maxamed Ibraahim Food-cade, gudoomiyaha xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan falkaasi arxan darada ah.

Marxuum C/shakuur Cumar Maxamed Maxmuud ayaa dilkiisa loo adeegsaday Toorey, sida ay sheegeen goobjoogayaal kala duwan.

Qureesh Maxamed Axmed, hooyada dhashay C/shakuur, ayaa shaacisay in aysan jirin cid dagaal kala dhaxeysay oo ay tuhmeyso in ay dishay ubadkeeda.

"Haweenay baa sheegtay in dhacdadaan uu geystay nin dhalinyaro ah oo baxsaday, kaasi oo aan ku raad-joogno," ayuu yiri gudoomiye Food-cade.

Taliyaha Booliska degmada Beledwayne, Maxamed Macow Xalane, ayaa ku tilmaamay arrintaan mid argagixiso.

"Argagixisada meel walba ayay umadda Soomaaliyeed kasoo gashay … marka waa lasoo qaban doonaa gacan ku dhiiglaha," ayuu raaciyay.

Bishii hore ayay ahayd markii dhacdo tan ah ay ka dhacday magaaladda Beledwayne, taasi oo ahayd isku day gowrac oo fashilmay.

Kiisaska noocaan ah ayaa sanadihii u dambeeyay aad ugu soo kordhayay degaanada Soomaalida, iyada aanan wali la ogayn waxa ay salka ku hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM