Booliska Somalia oo ka warbixiyay Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliyaha saldhigga Booliska degmada Hodon, C/fitaax Bashiir Cali ayaa sheegay inay ku raad-joogaan cidii wadatey gaarigii xalay fiidkii ku qarxay irida Makhaayadda The Village, kaasoo ay ku dhaawacmeen labo carruur ah.

Makhaayadda The Village, oo ku taalla inta u dhaxaysa Isgoysyadda Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa shaqaale katirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin xilliga qaraxa uu dhacayay.

Qof kamid ahaa macaamiisha Makhaaqyada, kaasi oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa isaga oo sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, isagoo xusay in jawiga uu isku bedalay jahweer iyo cabsi.

"Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxada ah, wuxuu kamid ahaa kuwii ku jiray Parking-ka. Rasaas ayaan maqlnay, cabsi iyo jahweer ayaan galnay. Balse, xaalada si caadi ah ayey kusoo noqotay inyar kadib," ayuu yiri.

Ma jirto koox dhabarka saaratay mas'uuliyadda weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falalka noocaan ah ee lagu beegsado Hoteelada iyo Makhaayqadaha loo shaahi tago ee caasimada ku yaala.

Halka uu ku yaallo Baarka The Village waxaa ka akdhow Hoteelada Posh Treat iyo Pizza House, kuwaasi oo sanadkii 2017-kii ay weerar is-miidaamin ah ku beegsatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, halkaasi Tobaneeyo qof ay ku dishay.

Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyada laamaha amniga dowlada ay baaris xoogan kawadaan Isgoysyadda waawayn ee Muqdisho, halkaasi oo ay mid-mid ubaarayaan Gadiidka dadwaynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM