Booliska Soomaaliya oo adeeg muhiim ah ka hirgeliyay safaaradda Kenya
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen in adeega warqada dembi la'aanta iyo mida asluub wanaaga laga heli karo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyay dadweynaha in bixinta adeegan ay si rasmi ah u bilaaban doonto maalinta Isniinta ah 11 March 2024.
"Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan," ayaa lagu yiri bayaanka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la'aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024.
Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (CID), oo xafiis ku leh safaarada, ayaa qabanaya shaqadaas oo laga maarmaan u ah ummadda Soomaaliyeed in mudo ahna ay dadkeenu ku dhibanaayeen helisteeda.
Waxaa intaas dheer, in Hoggaanku uu qorsheynaayo in xafiisyo kale laga furo safaaradaha Soomaali ee Dalka Dibadiisa ah, oo ay ummadu ku dhibantahay si muwadiniinta u helaan adeega sare ku xusan.
Wixii cabasho ah oo la xariira helista adeega wax lagu soo hagaajin karaa safaarada ama emailka Hoggaanka Baarista cidsomalia@cid.gov.so
GAROWE ONLINE