Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal
MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta loogu soo dhigey eedeysanayaal xili ay gacan kula jireen sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto bajaajka taas oo baalmarsan sharciga
Ciidanka Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa Maanta ay taariikhda Tahay 09-05-2024 abaaro 1845hrs Ama 0645pm. Ay Howl-gal ka sameeyeen Degmada Dharkeenlay Gaar ahaan Waaxda 2.aad Waxay Gacanta Kusoo Dhigeen 5 Eedeysane oo ku guda Jirey Buufin Mootooyin Sharcidaro ah iyo Garaash Lagu Buufiyo Moota bajaajta Sharciga waa faqsaneyn . .
Eedeysanayaashaas oo kala ah:
1: Maxamed Xasan Xuseen Ina Xaawo Ibraahin Cabdi 50 jir ah
2: Max’ed Deeq Axmad Cabdi Ina Canab Cali Maxamed 23 jir ah
3: Cabdiqani Maxamed Xasan Ina Maryan C/laahi Cabdi 28 jir ah
4: Xuseen Deeq Maxamed Ina Xaliimo Xasan Nuur 17 jir ah
5: Ibraahin C/Qaadir Maxamed Ina Ijaabo C/casiis C/dulle 24 jir ah
Sidoo kale Eedeysanayaashaan ayaa Kala Wareejiyo Taargada Moota bajaajta ayagoo 1 Taarga u isticmaala Dhowr Mooto Bajaaj .waxaana Goobtaas laga soo Helay taargooyin Tira badan
Eedeysanayaashaan ayaa isugu jira milkiilaha Garaashka, farsamayaqaanada buufinta iyo milkilayaasha mootooyinka labuufinaayey.
Sida ay cadeeyeeen Shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah waxay mootooyinka u kala wareejinjireen Calaamadaha Dowlada Hoose si Sharciga Baal marsan. Wali Waxaa kusocda Baaris Marka ay idlaatana Waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh.
GAROWE ONLINE