Booliska Soomaaliya oo saraakiil tababar ugu diray Yurub, Afrika iyo Aasiya

Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sagootiyey saraakiishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Boliiska.

Saraakiisha iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Boliiska.

S/Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay in ay ka faa'iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan sidoo kalana uga faa'iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM