Booliska Soomaaliya oo xiray qof ka ganacsadey "agab sharci darro ah"

Image
Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay.

“Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM