Britain oo wadanka Soomaliya ciidamo geysay

Image

Koox hordhac ah oo ka tirsan ciidamo British ah ayaa la sheagayaa in la geeyey dalka soomaliya.

Ciidankan ayaa taageeri doona howgalka AMISOM ee Qaramada Midoobay ay taageerayso. 

10 askeri ayaa gaartay Muqdisho, waxaana xigi doono, 70 kale sida ay dowlada Britain sheegtay.

Waxay AMSIOM ka caawin doonaan dhinaca caafimaadka, iyo taagero dhinca loojistikada ee loo baahan yahay Xoghayaha gaashandhiga ee Britain Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamadab Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka soomaliya.

Waxay sidoo kale gacan ka gaysan doonaan deganaanta dalka Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro xagjiriinta  Soomaliya waxaa ka howgalo ciidamo Afrika ka socda oo nabad ilaaliyayaal ah balse weli ma dagano Soomaliya Alshabaab ayaa ah qatarta ugu weyn ee Soomaliya haatan ka taagan, waxayna wadaan dagaalo iyo qaraxyo joogto ah.

Xigasho BBC

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM