Brundi oo laga jarayo lacag Somaliya ay ku qaadato

Image

NAIROBI, Kenya- Wadamada reer Yurub ee bixiya lacagaha lagu tageero amniga Somalia ayaa qorsheynaya iney ka jaraan lacag farabadan oo ay siin jireen ciidamada Nabad ilaalinta dalka Brundi kuwasoo kamid ah howlgalka AMSOM ee dalka Somalia.

Diplomaasiyiinta Yurub ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegey in lacagtaan aan dib dambe loo soo marin doonin dalka Brundi oo la hari jirey 20% taasoo u dhiganta 13 Milyan oo dollar.

Cadaadiskaan ayaa yimid kadib markii dad gaaraya 400 qof lagu diley dalkaas kuwasoo ka mudaharaadayey madaxweynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza oo mar 3aad isu soo taagey doorashada dalkaas.

Wadamada Kenya, Ethiopia, Djabouti, Brundi iyo Uganda ayaa waxaa ka jooga ciidamo la sheegey in Dowlada Somalia ka difaacaan Al-Shabaab kuwasoo lagu eedeeyo ineysan daacad ka aheyn in shacabka Somalia helo Nabad buuxda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM