​ Burcad-badeed lagu xukumay Faransiiska

Image

Maxkamad ku taalla dalka Faransiska ayaa 7 Soomaali burcad-badeed ah ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 6-15 sannadood kadib markii lagu helay in sanadkii 2011 badda Gacanka Cadmeed ka afduubteen dooni, isla markaana dileen nin Faransiis ah oo waday doonidaas.

Chirstian Colombo iyo xaaskiisa Evelyne ayaa ku jiray safar ay dunida ku kala bixinayeen, markii doonidoodii ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah.

Burcad-badeedda ayaa dilay Christian, kadibna maydkiisa badda ku tuuray, kadibna waxay afduub ahaan u qabsadeenn xaaskiisii Evelyne Colombo.

Ciidamo Isbaanish ah, ayaa bad-baadiyay haweynaydaasi, waxayna gacanta ku dhigeen 7 burcad ah.

Farxaan Cabdisalaam Xasan iyo Axmed Cabdullahi, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, iyagoo lagu helay dambi ah inay qoraan dhallinta ku biiraysa burcadda.

Farxaan Maxamuud oo da’diisu yarayd wakhtigi la qabtay ayaa isaga lagu xukumay 6 sano oo xabsi ah.

Xukunkan ciqaabtiisa halkaas la gaarsiiyay, waxaa go'aan kaa kaduwan qaba dacwad oogayaasha Faransiiska iyagoo doonayay in la dheereeyo waqtiga lagu xukumay islamarkaana la gaarsiiyo ilaa 22 sano.

Faransiiska ayaa kamid ahaa waddamada sida aadka ah uga howl galay waqtigii uu socday falalka burcad-badeednimada, waxaana dalkaasi ku xiran Somali badan oo dambiyadaasi loo haysto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM