Burundi oo ka hadashay askar badan oo looga dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay Axadda maanta ah in weerar ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka AMISOM lala eegtay qaraxyo dhimasho sababay.

Sarkaal sarre oo ka tirsan xoogaga dalkaasi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 12 askari looga khaarijiyey qarax kolanyo ay la socdeen lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Ciidanka waxaa la beegsaday iyaga oo howlgal kasoo laabtey kana yimid Jowhar kuna sii jeedey Muqdisho," ayuu yiri sarkaalka oo magaciisa u qariyey sababo la xiriir amniga.

Ururka AlShabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaasi oo todobaadkan ka dhacay duleedka degmadda Balcad.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in burbur uu soo gaarey gaari nooca gaashaaman oo ay wateen ciidanka ka tirsan howlgalka Midowga Afrika.

"Qaraxa aad buu u cuslaa. Kadib, waxaa xigtay iska hor-imaad dhex-maray dabley iyo ciidanka, halkaasi oo dad wada marayey ay wax ku noqdeen," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Wadada isku xirta Muqdisho-Jowhar ayaa kamid ah kuwa ugu khatarta badan ee Soomaaliya, waxaana aalaaba sidaan oo kale lagu beegsadaa ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM