Buuq hareeyay kulanka Gollaha Shacabka iyo Saxaafadda oo laga saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay fadhigii maanta ee Gollaha Shacabka oo ay hor-yimaadeen Wasiiradda difaaca iyo amniga, oo la filayay in su'aallo laga waydiiyo xaaladda amni ee dalka.

Wasiiradda markii ay soo galeen Hoolka, ayaa gudoonka amray in saxaafadda dibadda looga saaro, islamarkana aan la tebin si toos ah waxyaabaha looga hadlayo kulanka 3aad ee Kal-fadhiga 5aad, oo ay ku sheegeen mid xasaasi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya, waxa uuna ku furmay 164 mudane.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka.

Sidoo kale, Taliyeyaasha booliska iyo militeriga ayaa soo xaadiray kulank, iyadoo lga waayay goobta Fahad Yaasiin, taliye ku xigeenka NISA, oo aan looga baran fagaare kasoo muuqashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM