C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Image

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay in Cabdikariin Cabdullaahi Ciidle (Abdikerm Abdelahi Eidleh), 42 jir, dib looga soo celiyay Soomaaliya si uu u wajaho dacwado la xiriira musuqmaasuq lagu qiyaasay $250 milyan, kaas oo la sheegay inuu ka dhacay barnaamij loogu talagalay quudinta carruurta xilligii cudurka COVID-19.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegay in Cabdikariin loo wareejiyay gobolka Minnesota 16-kii Luulyo, kadib markii uu isku dhiibay hay'adaha amniga ee Soomaaliya.

Cabdikariin ayaa markii ugu horreysay dacwad lagu soo oogay bishii Sebtembar 2022, isagoo ka mid ahaa eedeysanayaasha kiiska weyn ee Feeding Our Future. Wuxuu wajahaya 31 dacwadood oo federaal ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin khiyaano dhanka isgaarsiinta ah (wire fraud), shirqool, laaluush la xiriira barnaamijyo federaal ah iyo lacag-dhaqid.

Xeer ilaaliyeyaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee hoggaaminayay qorshe lagu lunsaday malaayiin doollar oo loogu talagalay in cunto lagu siiyo carruurta xilligii safmarka COVID-19.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022, isla markaana uu baxsad ku jiray ilaa bishii Juun 2026, markaas oo laga helay gudaha Soomaaliya.

Soo celintiisa ayaa lagu fuliyay iskaashi ay yeesheen Hay'adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI), Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo Xafiiska Arrimaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka. Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo Waaxda Baarista Dambiyada ee Adeegga Canshuuraha Mareykanka (IRS Criminal Investigation) ayaa u galbiyay Minnesota.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota, Daniel N. Rosen, ayaa ku tilmaamay Cabdikariim inuu ahaa shakhsiga labaad ee ugu muhiimsan kiiska, marka laga reebo Aimee Bock, isagoo sheegay in soo qabashadiisu ay muujineyso in dowladda Mareykanku ay daba geli doonto eedeysanayaasha meel kasta oo ay joogaan.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in in ka badan 70 eedeysane ay horey u qirteen dambiyada la xiriira kiiska Feeding Our Future, isagoo xusay in soo celinta Cabdikariim ay tahay guul kale oo baaritaanka laga gaaray.

FBI-da ayaa sidoo kale u mahadcelisay NISA, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, doorkii ay ka qaateen helitaanka iyo fududeynta soo celinta eedeysanaha.

Cabdikariim ayaa la filayaa inuu Jimcaha hortago maxkamad federaal ah oo ku taalla gobolka Minnesota si loogu qaado dhageysiga ugu horreeya ee dacwaddiisa.

Kiiska Feeding Our Future ayaa loo arkaa mid ka mid ah dacwadaha musuqmaasuqa ugu waaweyn ee la xiriira lacagihii gargaar ee xilligii cudurka COVID-19 ee taariikhda Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay eedeysanayaasha inay lunsadeen lacag loogu talagalay barnaamij federaal ah oo quudin jiray carruurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM