C/Raxmaan C/Shakuur: Musuqmaasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf

Image
Xildhibaanka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu meeshii ugu sareeyay marayo musuqmaasuqa dalka isla markaana loo baahan yahay wax ka qabasho degdeg ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu meeshii ugu sareeyay marayo musuqmaasuqa dalka isla markaana loo baahan yahay wax ka qabasho degdeg ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Musuqmaasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoys ayaa isku milmay. Musuqu socdaa waa laba nooc mid seddaxaadna halis ayaa loogu jiraa.

1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen.

2- Musuqa siyaasadeed: Waa mid awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale. Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa, xigto ah, saaxib ah.

3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo. Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka.

Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah aysan ka hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM