Caasimada Soomaaliya oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Adxaa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka.

Geesta kale, Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ayaa wuxuu kumannaan dadweyne ah salaadda Ciida kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Amniga magaaladda ayaa aad loo adkeeyay iyadda oo wadooyinka caasimadda lagu arkayo ciidamo isla markaana qaar kamid ah isgoysyadda ay yihiin kuwa xiran.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tartarsiiyay muwaadiniinta inay is-caawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mas'uuliyiin kale oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo goobta ka hadlay ayaa dhankooda dhambaalka dabaaldega u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ummadda Soomaaliyeed ayuu u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM