Cabdalla oo shaaciyay in Sir xasaasi ah lagala baxay Xafiiska NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Bishii July ee 2018 ayay ahayd markii xafiiska taliye ku xigeenkii koowaad ee Hay'adda NISA la jabsaday, iyadoo la sheegay in lagala baxay xafiiska macluumaad muhiim u ahaa Qaranka Soomaaliya.

Cabadalla Cabdalla Maxamed, oo ahaa taliye ku xigeenka NISA, balse shaqo joojin kadib uu xilka ka qaaday Madaxwaynaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inuu ku tuhmayo inay jabsadeen xafiiskiisa saraakiil ka tirsan Hay'adda.

Jenaraal Cabdalla ayaa wuxuu si gaar ah uu farta ugu fiiqay inuu shaki ka qabo in xafiikiisa ay jabsadeen xubno gacan saar la leh Kooxda Al-Shabaab, oo katirsan NISA, kuwaasoo uu sheegay inay la baxeen sir qaran oo muhiim ah.

Wuxuu ku eedeeyay falkan lagu jabsaday Xafiiskiisa ku yaalla xarunta NISA ee Habar-Khadiija, inay ka dambeeyo taliska Hay'addan Sirdoonka, kadib markii ay is-khilaafeen.

Tan iyo wixii ka dambeeyay xiligaas ayuu carabka ku adkeeyay Taliye ku xigeenkii hore ee NISA in loo diiday inuu ushaqo tago xarunta Hay'adda ee Habad Khadiija, isaga oo tibaaxay inay nafsadiisa halis ay ku jirto, uuna ka cabsi qabo in la khaarijiyo.

Mushaarkii ayuu daboolka ka qaaday in laga goostay, isagoo dowladda uu hogaamiyo Madaxwayne Farmajo ka codsaday inay dib ugu soo celiso gunadiisa, maadaama uu yahay mas'uul usoo shaqeeyay dalka, xaq badana ku leh, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu Cabdalla xusay inuu hadda u banaan-baxay khatarta Al-Shabaab, maadaama uu ku sugan yahay Muqdisho isagoo laga soo eryay hay'addii uu isku difaacayay ee NISA.

"Aniga waqtigii la jabsanayay xafiiskeyga ma joojin warbaahinta ayaan ka arkay. Hadii ay tuhun timaado, cid kale ma ahan xubnaha cadowga la shaqeeya ee Hay'adda ku milantay ayaan is-leeyahay way ka dambeeyeen," ayuu yiri Jeneraal Cabdalla.

Taliska ugu sareeya ee NISA illaa iyo haatan kama jawaabin eedaymaha culus ee kasoo yeeray Taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda, kaasoo waqti xaadirkaan ku sugan Muqdisho, inkasta oo Warsidaha GO isku deyay inuu la xiriiro Taliska NISA.

Hay'adda NISA oo ah mida kaliya ee dalka ka jirta taasoo la dagaalanka kooxaha Argagxisada loogu yeero ka shaqaysa ayaa waxaa tan iyo markii timid dowladda Farmaajo waxaa lagu samaynayey isbedalo waa wayn, taasoo si wayn looga digay.

Hadalka kasoo yeeray Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa imaanaya xili bilooyinkii dambeeyay ay soo baxayeen warar ku saabsan in shaki baahsan laga qaaday hogaaanka Hay'adda, taasoo sababtay in ciidamadii hoos-imaanayey la kala diro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM