Cabdi Illey oo cabasho ka gudbiyey dhibaatooyin ku haysta xabsiga
ADDIS ABABA - Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Ilay oo kasoo muuqday mar kale maxkamad, ayaa cabashooyin ka gudbiyey dhibaatooyin kala duwan oo ku haysta xabsiga uu ku xiran yahay tan iyo bishii hore.
Cabdi Ilay oo ay xeer-illaalinta Itoobiya kusoo eedaysay gal-dambiyeeyadda kala ah; ku tagri awoodeed, kicin dad-wayne, abaabulka Rabasho Qowmiyadeed oo khasaaro keenay iyo inuu ku tuntay xuquuda Aadanaha ayaa wali ku dhicin wax xukun ah.
Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa ku warantay in Cabdi Ilay uu ugudbiyey Kaaliyaha Maxkamadda Dambiyadda ee Itoobiya cabasho ku aadan dhibaatooyin kala duwan oo ku haysta xabsiga isaga iyo shaqsiyaadka kale ee la xiran.
Dhibaatooyinka ayaa la sheegay inay kala yihiin; Cunto hagaagsan oo aanan la siin, Goobta lagu oogo Salaadda iyo Hanjabaadyo loogu geysto gudaha xabsiga, inkasta oo uusan fahfaahin cidda ugu dhex-cagajuglayneysa gudaha Xabsiga.
Kaaliyaha Maxkamadda ayaa Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya su'aalo ka waydiiyey waraka laysla dhex-marayo ee ku saabsan in lagu jirdilo gudaha xabsiga, taasoo Hooyadiisa ay tiro dhowr jeer ah ka dhawaajisay.
Kadib su'aalo waydiinta, Baarayaasha gacanta ku haya Kiiska Cabdi Illey ayaa waydiistay xeer-beegtada in loo kordhiyo mudada su'aalo la hal-maala eedaymaha loo tiiriyey Cabdi Ilay u waydiiyaan waxaana la siiyey 14-cisho kale oo dheeri ah.
Waa markii labaad oo ay maxkamadda dambiyadda Federaalka Itoobiya dib udhigto maxkamadeynta Cabdi Illay, kaasoo laamaha amaanka Itoobiya ay xabsi ku yaala Magaaladda Addis Ababa ay dhigeen 27-ka bishii Agoosto ee sanadkaan 2018.
GAROWE ONLINE