Cabdi Xaashi oo eedayn culus u jeediyay gudoonka Golaha Shacabka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa markii ugu horeysay si furan uga hadlay khilaafka kala dhaxeeya Golaha Shacaka.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Senate-ka ayuu Gudoomiye Cabdi Xaashi sheegay in madaxwayne Farmaajo uu sameeyay dadaalo uu ugu kala dab-qaadayo labadda Aqal.

Gudoomiyaha oo sii hadlaya ayaa ku eedeeyay gudoonka Aqalka Hoose in ay ka cagajiidayaan xal laga gaaro muranka labada Golle, ayna guuldareysteen wahadahadalo uu gar-wadeen ka ahaa Farmaajo.

Markii ugu dambeysay oo ay Madaxwayne Farmaajo shir la yeesho gudoonada labada Aqal waxay ahayd 14-kii bishii Maaj, sida laga soo xigtay Cabdi Xaashi, oo shaaciyay natiijada shirkaasi.

"Waxaa lagu heshiiyay in guddi labada dhinac kala metalaya la sameeyo … inaga dhinaceena waan soo magacawnay … balse Golaha Shacabka wali aysan soo dhisin," ayuu hadadalkiisu ku daray.

Mr Cabdi Xaashi oo rajo wanaagsan ka muujiyay in xal kama dambeys ah la helo ayaa balanqaaday in dhankooda ay mar walba diyaar u yihiin wadaxaajoodyo lagu soo afjaro muranka taagan.

"Mar kasta waxaan diyaar u nahay in xal la helayo … iyada oo la eegayo danaha qaranka," ayuu si cad daaha uga rogay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhanka kale, wali ma jiro wax jawaab ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca gudoonka Aqalka Hoose ee uu eedaynmahaan aadka u cul-culus dusha loo saarey.

Horaanta 2019 ayay ahayd markii Aqalka Sare uu xiriirka u jaray Golaha Shacabka po uu ku dhaliilay in uu isku kali yeelay shirarka caalamka, ansixinta sharciyada iyo matalaad dowlad goboleedyadda dalka.

Sidda ku qoran dastuurka ku meel gaarka ah ee uu wadanku leeyahay, Aqalka Sare ayaa si buuxda iska matalaada danaha maamulada xubnaha ka ah dowlada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM