Cabdirashiid Janan oo "dib ugu laabtey" magaaladda Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan], ayaa waxaa lagu waramayaa in uu dib ugu laabtey Kismaayo, xarunta ku meel gaarka dowlad goboleedkaas.

Janan ayaa waxaa la sheegay in uu subaxnimadii Isniinta uu kasoo baxay degmada Mandera ee waddanka Kenya.

Ma cadda halka uu kaga sugnaa magaalada xuduudka ku taala, wallow wararku sheegayaan in uu joogay saldhig ciidan, halka kuwa kale ay ku qeexayaan guri uu isagu si gaar ah u kireystay.

Talaabada uu Janan kaga soo hayaamay Mandera ayaa kusoo aadeysa kadib markii ay wadahadalo ay yeesheen madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo isku balansadey wadaxaajoodyo toos ah.

Janan ayaa bishii Janaayo la wariyey in uu kasoo baxsadey Muqdisho. Maalmo kadib fakashadiisa waxaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo kaga soo gudbay caasimada Kenya ee Nairobi.

Kadib wuxuu tegay Beledxaawo, halkaasoo uu maalmo ku qaatay kahor inta uusan u sii talaabin Mandera oo deris la ah magaaladdaas.

Dowladda Soomaaliya oo doondooneysa Janan ayaa sheegtay in uu geystay dambiyo culus, wallow isaga uu arrintaas ku qeexay "mid siyaasadeysan" oo wax loogu dhimayo sumcadiisa.

Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaanan lahayn xiriir wanaagsan, waxaana hogaanka dowlada federaalka lagu eedeeyay in ay diideen wadahadalo ay la galaan maamulka madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM