Cabdiraxman Farole iyo Shiikh Shariif oo ku kulmay dalka Jabuuti

Image

JABUUTI- Magaalada Jabuuti ayaa habeenkii xaley 9 May,2016 waxaa kulan ku dhexmarey madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif Axmad iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole kuwasoo kuwada hadlay arrimaha Somalia.

Kulankaan oo ka dhacey Hotelka madaxweynihii hore ee Puntland ka dagan yahay magaalada Jabuuti ee Sharaton ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayeen arrimaha Somaliya iyo doorashooyinka la filayo iney dhacaan sanadkaan dabayaaqadiisa.

Labada Madaxweyne oo horey uga soo wada shaqeeyey nidaamkii road-Map ee looga baxayey KMG nimada islamarkaana kamid ahaa madaxdii saxiixdey heshiisyadii GAROWE1, 2 ayaa musharaxiin ka ah doorashada la filayo in Somaliya ka dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Axmad ayaa weli ku dhawaaqin musharaxnimadiisa balse booqashooyin kala duwan ku kala baxshey dalalka dariska la ah Somalia halka Mudane Farole horey u sheegey inuu u taagan yahay qabashada xilka Madaxweyne ee Somaliya.

 Dhinaca kale ilo ku dhow labada mas'uul oo warsidaha Garowe Online la hadlay ayaa sheegey ineysan jirin warar dhowaan saxaafada lagu baahiyey oo xusayey iney ka qayb galayaan xaflada 18 MAY, 2016 ee ku beegan waqtigii Somaliland ku dhawaaqdey gooni isu-taaga.

Kulanka labadaan siyaasi ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Jabuuti kaga qayb galeen caleemo sarkii loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 11:01AM

Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 11:41AM