Cabsi soo foodsaartey xarunta KMG ah maamulka KG Galbeed Soomaaliya
BAYDHABO- Laamaha amaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaan ayaa waxay sarre u qaadeen howlgaladda lagu xaqiijinayo amaanka xarun goboleedka Bay.
Mukhtaar Maxamed Ibraahim Gaduudow, oo ah Taliyaha saldhiga Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay warbaahinta inay helayaan macluumaad sirdoon oo muujinaya in Al-Shabaab ay qorsheynayo weeraro ay ka fuliso Baydhabo.
Wuxuu tilmaamay in xogta ay helayaan ay sheegeyso in xoogaga gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ay doonayaa in Qaraxyadda iyo weerarooda ay ku beegsadaan goobo muhiim ah oo ku yaala bartamaha Baydhabo.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in sababtaan darteed ay mamnuuceen Mootada loo yaqaan Bajaajte, isaga oo ugu baaqay Darawalada Moottooyinkaan inaan lagu arkin Magaalada muddo saddex cisho ah.
"Waxaan helaynaa xogo sirdoon oo sheegaya in Al-Shabaab ay doonayaa Qaraxyo ay ka fuliyaan halkaan, iyaga oo adeegsanaya Mooto Bajaaj ah, sidaas darteeda saddex maalmood ayaanu mamnuucnay," ayuu yiri Janaraal Mukhtaar Gaduudow.
Taliyaha ayaa sheegay in mudda saddexda maalmood ah ay sarre u qaadi doonan baaritaanadooda, isaga oo uu ugu baaqay Shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah marka ay marayaan wadooyinka.
"Shacabku waa inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, ayna muujiyaan feejiganaan dheeri ah, ayna soo sheegaan wax walba oo tuhun ah oo ku aadan falal liddi ku ah nabad-gelyadda caasimada Koonfur Galbeed," ayuu hadalkiisa raaciyay Taliyaha.
Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Saldhiga Booliska ee Magaaladda Baydhabo ayaa imaanaya xili shalay oo Isniin ahayd uu ka dhacay inta u dhaxeysan xarunta Gobolka Baay iyo Magaalada Bardaalle Qarax iyo weerar toos ah oo lagu beegsaday Kolanyo ka tirsan AMISOM.
Amaanka degaanada Koonfur Galbeed ayaa sii xumaanaya xili lagu wado inay dhawaan ka qabsoonto Magaalada Baydhabo doorashadda Madaxtooyadda iyo mida Baarlamaanka Koonfur, taasoo sanadkaan ka xiiso badan kuwii hore.
GAROWE ONLINE