Caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo dhigay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo la filayo in ay qabsoonto 26-ka September, ayaa dib loo dhigay, sidda loo dusiyey warsidaha Garowe Online.

Illo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in  go'aankan lagu gaarey shir ay yeesheen madaxda maamul goboleedkaas fadhigiisu yahay magaaladda Kismaayo.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysaa markii dowladda federaalka ee Muqdisho ay joojisay duulimaadyadii magaaladda dekadda leh muddo 3-maalin ah.

Talaabadaas ayaa waxaa lagu macneeyay isku day xukuumadda uga hor-istaageyso siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha ka qeybgalka xafladda.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu cambaareeyay mamnuucitaanka, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay dastuurka qabyadda ah.

"Go'doominta waa mid lagu xayirayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta," ayaa laga soo xigtay madaxweynaha maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa dib loogu doortay hogaanka Jubbaland kadib doorasho 22-kii August ka qabsoontay Kismaayo, isaga oo ku badiyey wareega koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM