Caqabadaha hortaagan dhameystirka Dastuurka oo la shaaciyay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka qabyo qoaraalka Soomaaliya, Maxamed Daahir Afrax, ayaa shaaca ka qaaday sababaha loo dhameystiri la'yahay Dastuurka KMG ee dalka, iyo caqabadaha horataagan.

Waxa uu sheegay in cabaqadaha ku hor-gudban inay dar-dar geliyaan howsha dhameystirka Dastuurka dalka ay tahay saddex arrimood; Gacmaha ajaanibta, madaxda Soomaalida iyo miisaaniyad la'aanta. 

Gudoomiyaha ayaa ku dooday in dhaqaalaha iyo beesha caalamka ay yihiin kuwa isdaba socda, maadaama ay iyaga ka timaado lacagta wuxuuna ku tilmaamay caqabaddaha ugu wayn ee haysta.

"Maadaama ay iyaga bixiyaan kharashaadka waxay doonayaan in sida ay iyagu rabaan wax la yeelo, taasoo meesha ka saareysa in la helo Dastuur Soomaaliyeed," ayuu yiri Gudoomiye Afrax, oo la hadlay VOA-da.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu ku nuux-nuuxsaday in madaxda Soomaalida ay naftooda qeyb ka yihiin caqabada jirta, isagoo sheegay inay ka gaabiyaan dhameystirka dastuurka KMG ah ee dalka.

"Ma aqaano sababta, laakiin waxaan umalaynayaa inay tahay inay meesha wax ku jiraan, balse, waan ku sheegay caqadaha naga haysta inaan dhameystirno Dastuurka dalka," ayuu raaciyay hadalkiisa Gudoomiyaha Gudiga.

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Daahir Afrax, wuxuu imaanayaa iyadoo maanta oo Isniin ah lagu qabtay Muqdisho, wajiga labaad ee dhameystirka Dastuurka dalka.

Maxamed Daahir Afrax ayaa xilka loo magacaabaya June 2015, isagoo bedelay Marwo Caashoa Geelle, oo iska-casishay markii ay ku jahwareertay howshan aan dhamaadka lahayn ee iska socota mudo ku dhaw 10 sano.

Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid mashruuc ah, oo dhaqaale looga cuno Beesha caalamka, waxaana uu noqday Dastuurka ugu qaalisan oo uu dalka kamid ah caalamka yeesho.

Dastuurka Soomaaliya hadda u degan waa mid qabyo qoraal ah oo aan dhameystirneyn, waxaana la qorsheeyay in kahor sanadkaan dhamaadkiisa lasoo gaba gabeeyo dib u eegistiisa, islamarkaana lagu ansixiyay afti dadweyne kahor 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM