Caqabadaha ku hareereysan taliyaha cusub ee ciidamada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magacaabidiisa lama filaan ayey ku ahayd dadka qaarkii oo uu isagu ku jiro, wallow lagu wargeliyay kahor faafhinta rasmiga ah lagu soo saarin.

Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha cusub ee ciidamada Soomaaliya, ayaa noqonaya "sarkaalkii ugu da'da yaraa" ee xilkaasi loo dhiibay, isaga oo bedelay Daahir Aadan Cilmi.

Raage, oo 32-sano jir ah, ayaa 1987-dii, ku dhashay degmada Aadan Yabaale, oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay haatan Al-Shabaab xukunto.

Tababaro kala duwan ayuu kusoo qaatay dalalka Turkiga iyo Uganda, isaga oo xilal kala duwan kasoo qabtay qaybaha kala duwan ee ciidanka milatariga.

Khuburo dhanka ammaanka ayaa waxay rumeysan yihiin in xulashadiisa ay ka dambeysay markii xoogaga uu hogaaminayey ay qabsadeen degaano dhowr ah.

Kahor jagadan, isaga oo ah Taliyaha Ciidamada Lugta oo dhowaan la dhisay ayay ciidankiisa waxay xorreeyeen Sabiid, Caanoole, Bariire iyo Awdhgeele.

Caqabadaha

Iyadda oo ay jiraan guulaha uu ku faani karo, haddana waxaa jira caqabado kuwaasi oo ku haareereysan taliyaha cusub, loogana baahan yahay in ay ka gudbo.

Dadka naqdiya siyaasada dowladda federaalka ah ayaa ku doodaya in uusan lahayn khibrad badan, isla markaana uu afar sano gudaheeda ku noqday taliye.

Shaqsiyaadka isaga ammaana waxay ku tilmaamaa mid dhiirogelin siiya ciidamada, qeybna ka qaata dagaalada ay la galayaan dhinaca kale ee kasoo horjeeda.

Dhibaatooyinka kale ee lasoo darsi kara Raage ayaa ah xilka taliyaha ciidanka Soomaaliya oo mid khatar ah, lagaana qaadi karo adiga oo shaqada wada.

Ciidanka Soomaaliya ayaa haatan isu diyaarinaya in ay ammaanka kala wareegaan xoogaga Midowga Afrika, wallow su'aalo la gelinayo in ay diyaar u yihiin.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay si aan kala joogsi lahayn u wada weerarada ay ku beegsaneyso xubnaha dowladda oo ay ku jiraan saraakiisha ciidanka.

Talaadadii, 2-da September 2019, wax u muuqda in la fashiliyey, ciidamada ammaanka ayaa degmooyinka Hodan iyo Yaqshid ee Muqdisho kaga hortegay qaraxyo.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacid ayaa maamusha qaybo dalka ka tirsan oo ay kamid tahay halka oo ku dhashay Raage, oo 180 KM dhanka waqooyi uga aadan magaalada caasimada ah.

Isaga oo ka hadlayey xafladiisa caleema saarka, Jeneraalka ayaa shaaciyey in uu ahmiyadda siinayo dhismaha ciidanka, akhlaakhdooda, tababarkooda, awoodooda iyo gulufka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM