Caqabaha hortaagan in ciidamada Soomaaliya ay jebiyaan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa galaaftay nolasha 36 ruux xili Al-Shabaab ay dusha saaratay mas'uuliyadda gebi ahaanba weeraradaasi.

Balse khuburadda iyo mas'uuliyiinta ayaa isku raacay in hadii dowlada Soomaaliya ay dooneyso in ay ka adkaato Al-Shabaab ay u baahan tahay ciidan isku dhafan, xoog leh oo qalabaysan.

Sidda laga soo xigtay daraasad, Soomaaliya ayaa haysata ugu yaraan 30,000 askari oo ku filan in ay wajahaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, mas'uuliyada amni ee dalka kala wareegaana AMISOM.

Hasayeeshee ciidamadaan ayaa waxa ay wajahayaan caqabado ay ugu muhiimsan tahay mushahar la’aan iyo awood ay kula dagaalamaan Al-Shabaab, sidda laga soo xigtay cilmi baarista.

Xog uruurintaan oo ay sameysay xarunta Operational Readiness Assessment ayaa lagu seegay in Jubbaland ay haysato 5,715 oo askar ah, Galmudug 5,754 ah, iyo maamulka Koonfur Galbeed oo 3,231 ah.

Warbixinta ayaa lagu xusay in dowladda Puntland ay diyaarada saartay dhisida ciidamo Boolis, kuwaasi oo wadartooda ay gaarayaso 5,248.

Daraasadaan ayaa lamid ah mid ay sanadkii 2017-kii sameysay dowlada Soomaaliya, taasoo lagu sheegay in dalku leeyahay 15-kun oo ciidamo shaqeeya, waxayna wadar ahaan xoogaga maamulada gaarsiisay 35,000.

Balse qiimayntaasi kuma aysan jirin 5,248 boolis ee uu leeyahay maamul goboleedka Puntland, sidda lagu cadeeyay cilmi baarista.

"Ciidamadu way tiro badan yihiin, balse ma haystaan imkaaniyaad ku filan, mana karaan in ay si waxtar leh uga diriraan Al-Shabaab," ayaa lagu yiri daraasadda ay sameysay xaruntaasi hoostagta AMISOM.

Daarasadda ayaa muujisay in aysan jirin hub culus, wacyi gelin iyo dagaal wax ku ool ah ay ula dagaalamaan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

– 'Wacyi gelin iyo saanad la’aan' –

Dhamaan ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada waxa ay ka siman yihiin in aysan haysan saanad ku filan, hubka culus sida baabuurta gaashaaman iyo wacyi gelin la’aan.

"Xaalada Jubbaland waxay ka hooseysaa wixii la filiyay," ayaa lagu yiri qiimaynta, oo lagu daray "Koonfur Galbeed-na waxba ma lahan," xili la daba dhigay "Galmudug oo haysata hubka ugu culus, waxaa ka maqan askar."

Si gaar ah waxay daraasadu aad uga digtay xaalada Koonfur Galbeed oo lagu tilmaamay "maamul ka xanuunsanaya qabalabaynta ciidamada".

Iyada oo ay intaasi jirto, hadana daraasada ayaa hoosta ka xariiqday in ciidamada maamul goboleedyada ay muujiyeen diyaar-garow ku aadan in ay qaadaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay qiimaynta oo socotay Maaj 2018 illaa iyo Janaayo 2019, xoogaga dowlad goboleedyadda 95% waxay da'doodu tahay 51-sano jr, si gaar ah Jubbaland 85% waa 41-sano jir.

Qiimayntaan oo xaqiiqo ahaan shiyaheeda aysan wali ka falcelin dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa imaaneysa xili AMISOM lagu wado in ay dalka ka baxdo 2020-ka iyo iyada oo ay ciidamada qaar ka cabanayaan mushaar li'i.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM